Skip to content
Sunday, October 11, 2026 28 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 29°C
Breaking: Egypt’s el-Sissi Calls for Peaceful Solutions
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

ARGAGAX: Messi Oo Looga Baqay In Diyaaradiisa Lagu Qarxiyo &

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
ARGAGAX: Messi Oo Looga Baqay In Diyaaradiisa Lagu Qarxiyo &

Qorshaha uu Lionel Messi kaga tagayay dalkiisa Argentina maalinimadii Salaasadii ayaa noqday kuwo halis la geliyay iyadoo hakad la geliyay diyaaradiisa khaaska ah maadaama laga cabsi qabay bambo garoonka taalay.

34 sano jirkaas ayaa ku laabtay magaalada uu kasoo jeeday ee Rosario kaddib markii xulka Argentina uu ku guuleystay Copa America iyaga oo ka qaaday dhigooda Brazil isla markaana soo af-meeray koobab la’aan haysatay tan iyo 1993.

Messi ayaa u duulayay magaalada Miami si uu halkaas ugu soo qaato fasaxiisa xagaaga isaga oo la socda qoyskiisa balse safarkiisa ayaa dib loo dhigay kaddib markii uu nin garoonka ku sugnaa sheegay inuu shandadiisa bambo kaga tagay.

Gegida diyaaradaha ee Islas Malvinas ayaa xaalad deg-deg ah gashay iyadoo sharciyo lagu soo rogay isla markaana dhammaan diyaaradaha hakad la geliyay.

Dhacdadaas ayaa markiiba la xaliyay balse dib u dhacyo ku keentay diyaarado badan oo ay kamid tahay mida khaaska ah ee Lionel Messi.

Lama oga haddiiba xaaska Messi ee Antonella Roccuzzo iyo saddexdiisa wiil ay la socdeen balse waxa la arkay aabaha ahna wakiilka Messi ee Jorge Messi oo wehelinayay 34 sano jirkaas.

Messi ayaa toddobaadyada soo socda fasaxiisa qaadan doona kaddib markii uu xilli ciyaareed kale oo qalbi jab leh oo ay kaliya Copa Del Rey kusoo guuleysteen lasoo qaatay Barcelona.

Ugu dambayn Leo ayaa ka faraxashay dhibaatadii koobabka ee heer qaran isaga oo Argentina lasoo qaaday Copa America waana farxada ugu weyn ee uu haatan haysto.

How do you rate this story?

0 votes