Maxaa ka soo kordhay qarax caawa Muqdisho lagula eegtay
Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa fiidnimadii caawa wuxuu ka dhacay wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee isgoyska KM-4 ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, jidka marayey xilliga uu qaraxu dhacayey, ayaa ka badbaadey isagoo aan waxyeelo soo gaarin sida saraakiil ka tirsan hay’adda u xaqiijiyeen Axadle.
Warar madax-banaan oo laga helayo goobjoogeyaal ayaa muujinaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay Ilaalada agaasimaha iyo qof shacab ah wadada marayay xillaga qaraxu dhacay.
Bishaan October 1-deeda, sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka, Caano-geel, ayaa ku dhintay qarax ay haweenay fulisay kana dhacay inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea ee degmada Howlwadaag.
Haweenayda ayaa la sheegay in ay isku duubtay taliye waaxeedka oo marayey meel ku dhow isgoyska Black Sea wadada soddonka isla markaana falkaas ay ku dhaawacmeen laba uu mid ilaalo u ahaa.
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada ee Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyada is-miidaaminta Baraha faafiya wararkooda waxa ay wariyeen in laba ilaalo ay ku dileen.