Skip to content
Friday, September 18, 2026 5 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali PM Orders Merit-Based Competition for Department Director Positions
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Laba nin oo u kala dhashay Britain iyo Malaysia oo lagu maxk…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhageysiga labo eedeysane oo Ajnabi ah, kuwaasi oo loo haysto inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab.

- Advertisement -

Labada eedeysane ee maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Malaysia iyo Britain, balse weli lama shaacin magacyadooda.

Eedeysanayaasha ayaa loo haysta inay sifo sharci darro ah kusoo galeen dalka iyo inay ka barbar dagaalameen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda.

Sidoo kale labada eedeysane ayaa waxaa loo haysta in mudadii ay ku sugnaayeen Soomaaliya ay geysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniinta, ayna ka qeyb galeen weeraro argagixisinimo.

Labada eedeysane ee maanta maxkamadda la horgeeyay ayaa waxay kamid noqonayaan eedeysanayaal dhowr ah oo dacwado la xiriira Shabaabnimo loo haysto, kuwaasi oo dacwadooda ay dhageysigooda billowday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

How do you rate this story?

0 votes