Waa Kan Xiddiga Liverpool Ka Tirsan Ee Ku Dhex SEEXDAY

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Caoimhin Kelleher ayaa sameeyay dhacdo layaab leh intii uu socday kulankii Merseyside Derby ee ay kooxiisu shalay bar-bardhaca 2-2 ah Goodison Park kula soo gashay kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Everton.

Caoimhin Kelleher ayaa bedelka u fadhiyay Liverpool xilli goolhayaha ree Spain ee Adrian uu dookha koowaad ahaa isaga oo buuxinayay booska uu dhaawac kaga maqan yahay Alisson Becker.

21 sano jirkan ayaa la arkay isaga oo hurdo la dhacay isla markaana gama’san markii ay kaamerooyinka BT Sport qabteen tababare Jurgen Klopp.

Wakhtigaas Liverpoo ayaa hoggaanka ku haysay natiijo 2-1 ah iyagoo uga mahad celinayay goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane balse gool madax ah oo uu xilli dambe saxeexay Dominic Calvert-Lewin ayaa guusha ka dafiray xiddigaha Klopp.

Goolka koowaad ee Toffees ayuu shabaqa gaadhsiiyay Michael Keane xilli ay xusid mudan tahay in Liverpool gool muran badani ka dhashay oo uu dhaliyay Jordan Henderson laga diiday wakhtigii dheeriga ahaa ee kulanka kaddib markii VAR la adeegsaday.

Kelleher ayaa haatan ah goolhayaha dookha saddexaad ee Liverpool, tababaraha goolhayayaasha Liverpool ee John Achterberg ayaa dhawaan sheegay inuu ku faa’idi lahaa haddii heshiis amaah ah lagu diro balse kooxda ayaan doonayn inay sidaas yeesho.

Ugu dambayn, kulanka oo ahaa mid aad u xiise badan ayay adkayd inuu qof shaashad ka daawanayaa xataa ugu yaraan luloodo oo hurdo qabato iskaba dhaaf in qof garoonka xaadir ku ahi seexdo e’.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More