Skip to content
Tuesday, October 13, 2026 1 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 23°C
Breaking: Government to Make Montenegro’s Accession to the EU a Priority
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Manchester United Oo Heshay Jawaabta Dalabkii Ay Ka Gudbisay Kieran

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Laacib

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in ay dalab aad u hooseeya oo xambaarsan £10 milyan oo Gini oo kaliya ka gudbisay difaaca reer England ee Kieran Trippier oo waqtigan xulka dalkiisa kala qayb-gelaya ciyaaraha Yurub.

Red Devils ayaa difaaca midig ee reer England uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku darsaday xiddigaha bartilmaameedka u ah xagaagan, waxaanay kaliya la shir tagtay £10 milyan oo Gini, taas oo ay Atletico Madrid jawaab degdeg ah kasoo bxiisay.

Toddobaadkii hore ayaa la sheegay in Trippier oo horyaalka LaLiga kula guuleystay Atletico Madrid xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday, uu qorshihiisa la wadaagay ciyaaryahannada xulka qaranka England, uuna u sheegay inuu doonayo in waqtigiisii Spain uu soo gabogabeeyo, kuna soo laabto England.

Waxa uu intaa ugu daray inuu ku biiri doono Manchester United oo ahayd kooxda horeba xiisaha ugu muujinaysay ee dalabka ka gudbisay.

Si kastaba, wargeyska Mundo Deportivo ayaa qoray, in Manchester United ay heshay jawaabta dalabkii ay ka gudbisay Trippier ee ahaa £10 milayn oo Gini, waxaanay Atletico Madrid usoo celisay diidmo qayaxan.

Warka ayaa intaa ku darya, in Atletico Madrid ay dalbanayso £35 milyan oo Gini oo ah lacagta lagu burburin karayo heshiiska uu Kieran Trippier kula jiro, haddii kalena aanu meelna u socon oo aanay fasixi doonin.

How do you rate this story?

0 votes