DFS oo sheegtay in ay soo-saartay Miinooyin lagu aasay Shabeelaha Hoose.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ururka 143-aad ee Militariga Soomaaliya uu soo saaray Miinooyin Al-Shabaab ay gelisay Tuulooyn hoostaga Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad Taliyaha Ururka 143-aad CXDS ayaa sheegay in howlgalkaan miino saaridda ah lagu guuleystay, ujeedka Al-Shabaab ay u duugtay qaraxyadaan waxa uu ku tilmaamay in ay ku waxyeeleyso Askarta ku sugan Deegaankaas & Shacabka.
Taliye Axmed Xasan ayaa tilmaamay in Inta uu socday howlgalka Askarta Dowladda ay toogteen 13-xubnood oo katirsan Al-Shabaab, waxaana ku jira saraakiil hoggaamineysay sida uu hadalka u dhigay.
Saraakiil katirsan Militariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Shabeelaha Hoose lagu soo saaray Miinooyin waddooyinka Al-Shabaab gelisay.
Waddooyinka u dhaxeeya Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo inta badan weeraro jidgal ah Al-Shabaab ka fuliso waxa uu ku bilawdaa Qaraxyo Miino.
Bariire waxaa ku sugan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan Askarta Uganda, dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayay ka wadaan tuulooyinka ka baxsan deegaankaas.
Axadle