Gobaladda Waqooyi oo xubin ku yeelatay Hay’adda Batroolka

Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa magacowday lix agaasimeyaal madax-bannaan oo ka mid noqon doona boodhka hay’adda Agaasimayaasha cusub ayaa kala matalidoona dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federalka Soomaaliya.

Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah Caasho Cismaan Axmed oo ah guddoomiye ku-xigeen, oo mataleysa Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo matalaya Hirshabeelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo matalaya Galmudug, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo matalaya Koonfur Galbeed.

sidoo kale ka mid ah Axmed Xaaji Cabdi oo matalaya Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdixaafid Cali Dirir oo matalaya Gobaladda Waqooyi iyo Mahad Maxamed Xasan oo ka socda Dowlada Federaalka.

Gudiga cusub ayaa loo xilsaaray kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska iyo in ay hubiyaan in sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee lasoo saaray ay la jaanqaadayaan mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la’aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen ayaa yiri,” “guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan in ay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.”

Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay guddigan oo maamuli doona Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed sida aan ka soo xiganay ilo xog ogaal ah yashee waxa aan kala cadayn in Gobaladda Waqooyi ay soo magacaawday xubintaan iyo DfS ay iyadu dooratay xubinta matalaysa Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More