Kooxdii Weyneyd Ee Saxeexa Thiago Doonaysay Kahor Liverpool

Saxeexa cusub ee kooxda Barcelona ee Thiago Alcantara ayaa la sheegayaa inuu dalab xilli dambe ah ka helay kooxdiisii hore ee Barcelona kahor intii uusan Liverpool kaga soo biirin dhinaca Bayern Munich gudaha suuqii dhawaan xidhmay.

- Advertisement -

Liverpool ayaa ugu dambayn gacanta kusoo dhigtay saxeexa Thiago Alcantara oo bar-tilmaameedkooda koowaad ahaa kaddib markii ay mudo bilooyin ah daba socotay.

Xiddiga heer caalami ee ree Spain ayaa heshiis afar sano ah ugu wareegay Anfield isagoo xiddigaha ay isku kooxda yihiin waxa uu kusoo kordhin karo tusay kulankii ay guusha 2-0 ka ah kasoo gaadheen dhigooda Chelsea.

Thiago ayaa intaas kaddib qaaday xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras kaas oo xadiday wakhtigiisa ciyaareed kaddib ciyaartii Chelsea.

29 sano jirkaas ayaa Liverpool ka maqnaa labadii kulan ee ay maalmaha kula soo ciyaartay Arsenal si lamid ah guuldarradii cuslayd ee lama filaanka ahayd ee Aston Villa kasoo gaadhay.

Laakiin Thiago ayaa wakhtigan u ciyaari karayay koox kale haddiiba uu Barcelona rabitaankeedu u suurogali lahaa intii uu suuqu furnaa.

Sida uu sheegayo saxafi Fabrizio Romano, Barcelona ayaa heshiis wanaagsan u bandhigtay Alcantara oo ay Bayern Munich ka iibiyeen sanadkii 2013.

Laakiin saxafiga ree Talyaani oo The Guardian ku qorayay aragtidiisaas ayaa sheegay in Thiago uu xilli horeba go’aan gaadhay isla markaana shaqsiga sababta u ahaa inuu Barca diido uu ahaa Jurgen Klopp oo uu wicitaan muuqaal ah kula sheekaystay.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More