Al-Shabaab oo weerartay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Wajeer, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Si gaar ah weerarka waxa uu uga dhacay deegaanka lagu magacaabo 50 (Konton) Degmada Qorof Xaraar, saldhig ciidan waxaa ku leh Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Kenya oo la socda dhaq-dhaqaaqa deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa maqlayay israaseynta Ciidamada Dowladda Kenya iyo Al-Shabaab, mararka qaar waxaa dhacayay qaraxyo u eg kuwa qoryaha Garbaha laga tuuro ee loo yaqaan RPG-7 (Baasuuke).

Laamaha ammaanka Kenya kama aysan hadlin dagaalkaan ka dhacay Wajeer gaar ahaan Degmada Qorof Xaraar, waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fulisa Dhulka Soomaalida ee Kenya maamusho.

Dhacdadii tan ka horeysay waxaa lagu weeraray Gaari Bas ah oo lagu dhaawacay siddeed kamid ah rakaabkii la socday, qaarkood waxaa gaaray dhaawacyo halis ah sida laga soo xigtay ehelkooda oo isbitaal ku haya.

Kenya ayaa aad u adkeysay amniga deegaannada Soomaaliya soo xiga, sabab la xiriirta weerarada Al-Shabaab, waxaana dhawaan Madaxweyne Uhurru Kenyatta uu sheegay in uu Mareykanka ka diiday duqeyn uu ka fuliyo deegaannada lagu tuhmayo Al-Shabaab.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More