Skip to content
Friday, September 25, 2026 12 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:53
Muqdisho 26°C
Breaking: Beledweyne Residents Protest Planned Hirshabelle State Elections in Somalia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa saxiixay sharciga dheeriga ah – Axadle

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / llahi Farmaajo ayaa caawa saxiixay sharciga mudo kordhinta oo shalay ay ansixiyeen mudanayasha waqtigiisa dhamaaday.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu saxeexay sharciga ay ansixiyeen xubna baarlamanka caawa kadib

- Advertisement -

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu saxiixay caawa, afurka kadib, sharciga doorashada gaarka ah ee aqlabiyadda baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen shalay, 12-04-2021,” ayuu wasiir Dubbe ku yiri qoraalkiisa.

Beesha Caalamka, qaar ka mid ah madaxda dowladaha, daneeyayaasha kale ee siyaasada iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si weyn uga soo horjeeda muddo kororsiga uu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, lamana oga sida xaalku noqon doono.

Beesha Caalamka ayaa ku hanjabeysa cunaqabateyn, halka Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ay saacadihii la soo dhaafay ku hanjabeen inay tallaabo ka qaadi doonaan muddo kordhinta Farmaajo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay gobaladooda kadib mudo bil ka badan oo ay joogeen magaalada Muqdisho si ay u xaliyaan ololaha doorashada waxaana lafilayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aano adag oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka

How do you rate this story?

0 votes