Skip to content
Saturday, October 24, 2026 12 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:31
Muqdisho 26°C
Breaking: Malawians Question Who Is in Charge During Mutharika’s Prolonged Absence
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Manchester United Oo Wada-hadallo Meel Fiican Maraya Kula

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
axadle_deg_deg

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxay wada-hadallo meel fiican la isla marayo kula jirtaa Watford oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Senegal ee Ismaila Sarr.

Red Devils ayaa shaqo weyn ka wadda suuqa iibka ciyaartoyda maalinta ugu dambaysa ee uu xidhmayo, waxaanay rajaynaysaa inay ku guuleysan doonto saxeexyada dhawr laacib oo isbeddel ku samayn kara tayada iyo rajadooda xili ciyaareedkan.

- Advertisement -

Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta Ingiriisku, Manchester United ayaa gellinkii dambe ee maanta, waxay wada-hadallo la bilowday Watford oo waqtigan ka tirsan kooxaha heerka labaad, waxaanay markiiba horumar ka sameeyeen wada-xaajoodka.

Manchester United ayaa u bandhigtay Watford in Ismaila Sarr lagu siiyo heshiis amaah ah oo uu ku jiro qodob dhigaya ku waajibinaya inay si rasmi ah u iibsadaan xagaaga dambe iyagoo bixinaya lacag dhan £45 milyan oo Gini.

Red Devils waxa kale oo ay u sheegtay Watford inay bixin doonto £25 milyan oo Gini haddii aanay si rasmi ah ula wareegin xagaaga dambe oo ay kaliya sannadka amaahda ah ku haysato Ismaila Sarr, iyadoo qodobkan dambena loo arkay waalli ay Manchester United samaynayso.

Red Devils oo sidoo kale la sheegayo inay heshiis la gaadhay da’yarka Amada Traore oo ay kala soo wareegayaan Atalanta oo Talyaaniga ka dhisan laakiin bisha January ee sannadka dambe uu sharcigu u fasaxayo inuu usoo duuli karayo England.

Man United ayaa laga sugayaa in saacadaha kooban ee hadhay ay si rasmi ah usoo bandhigto saxeexyo cusub oo ay ku jiraan Edinson Cavani iyo Alex Telles.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes