Skip to content
Saturday, October 24, 2026 12 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:43
Muqdisho 27°C
Breaking: Liberian House to Investigate Reported U.S. Deportation Deal
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

“Qofkii la shaqeeya Al-Shabaab ama qariya, Maxkamad ayaan

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Qofkii-la-shaqeeya-Al-Shabaab-ama-qariya-Maxkamad-ayaan

G/Sare Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha Nabadsugidda Jubbaland

Taliska Ciidamada Nabad Sugidda DG Jubbaland G/Sare Sahal Cabdullaahi Cumar oo Warbaahinta la hadlay waxa uu u digay dadka la shaqeeya Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulkaas gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Shaqsiyaadka la shaqeeya Al-Shabaab iyo kuwa u dhega nugul fulinta amarrada kasoo baxa ayuu ugu digay in ay ka joogsadeen, haddii ay ka dhega fureystaan waxa uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Dad badan ayaa qarsanaya Al-Shabaab sabab la xiriirta cabsi, dadka lacagta siinaya & kuwa la shaqeynaya waxa aan uga digeynaa arrintaan, umana dulqaadan doono in dad inta lala soo hadlo sida uu cadawga doonayo ula shaqeynayo” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha NISA DG Jubbaland.

G/Sare Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha Nabadsugidda Jubbaland ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay damaanad-qaadanayaan shaqsiyaadka ka cabsada Al-Shabaab, taasina ay tahay mas’uuliyadda saaran sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan diyaar u nahay in qof kasta oo ay ugu soo hanjabaan dhibaato ilaalinayo oo la wareegno naftiisa & Hantidiisa, sidaas awgeed dhammaan reer Jubbaland waa in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka oo kafaala-qaadaya amnigooda” ayuu sii raaciyay Taliye Sahal.

Nabadsugidda Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad ay sheegtay in Al-Shabaab katirsan yihiin, kadib howlgalo laga fuliyay Xaafadaha Magaalada ada Kismaayo maalmihii lasoo dhaafay.

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes