Skip to content
Sunday, October 4, 2026 21 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:35
Muqdisho 25°C
Breaking: Ethiopia Plans to Withdraw Over 3,000 Troops From Somalia Amid Domestic Fighting
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Man United & Tottenham,

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
33971078-8803771-image-a-106_1601831717019

Man United ayaa guuldarro weyn ay ka soo gaartay Tottenham oo uu hogaamiyo macalinkoodii hore Jose Mourinho iyadoo 6-1 lagu xasuuqay xilli uu qeybtii hore casaan ka qaatay weeraryahankooda Anthony Martial.

United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed liita iyagoo weli dhibaato ka qaba dhanka daafaca inkastoo uu u joogo daafaca ugu qaalisan dunida.

XIDDIGA GAROONKA: HARRY KANE (TOTTENHAM)

Weeraryahanka Ingariiska ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican kulankii caawa, isagoo khamiistii seddexleey ka soo dhaliyay Europa League. Wuxuu caawa dhaliyay labo gool xilli uu mid kale caawiye ka ahaa. Laakiin waxaa jira xiddigo kale oo iyagana u qalmay abaalmarinta xiddiga garoonka sida daafaca Aurier kaasoo soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii uu joogay Tottenham isagoo jeebka ku ritay Luke Shaw. Waxaa isna wacdarro dhigay Heung-min Son oo labo gool dhaliyay oo midi ay aad u qurux badneyd.

XIDDIGAHA XASUUQA U SABABAY MAN UNITED

Ma jiro xiddig amaan u qalma oo caawa u ciyaaray Manchester United, waxay dhamaantood soo bandhigeen qaab ciyaareed liita iyadoo ay ugu sii dartay casaankii uu daqiiqadii 28aad ka qaatay Martial. Laakiin todoba ciyaaryahan ayaa ugu sii xumeyd oo soo bandhigay qaab ciyaareed ay ka qoomameyn doonaan marka ay dib u daawadaan ciyaartaan.

Labada daafac dhexe ee Bailly iyo Maguire waa xiddigihii ugu liitay garoonka iyagoo helay qiimeynta ugu hooseysa si la mid ah xiddiga khadka dhexe Pogba oo dulsaar ku ahaa kooxda islamarkaana rigoore ku keenay iyo Martial oo xakameyn waayay dareenkiiisa islamarkaana casaan si fudud ku qaatay. Waxaa iyagana qaab ciyaareed liita soo bandhigay Wan-Bissaka, Luke Shaw iyo Matic.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Man Utd: De Gea 5, Wan-Bissaka 4, Bailly 3, Maguire 3, Shaw 3, Matic 4, Pogba 3, Greenwood 5, Fernandes 5, Rashford 5, Martial 3..

Bedel: Fred 5, McTominay 5, van de Beek 5.

Tottenham: Lloris 6, Aurier 9, Sanchez 6, Dier 7, Reguilon 7, Hojbjerg 7, Sissoko 6, Ndombele 7, Lamela 7, Son 8, Kane 8..

Bedel: Davies 6, Alli 5, Moura 6.

How do you rate this story?

0 votes