Skip to content
Tuesday, August 25, 2026 11 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:00
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia’s Ambassador Daccò Coppi Meets Minister of Commerce and Industry
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Arsenal – Ayay Klopp Iyo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Liverpool-vs-Arsenal

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa caawa isku arkaya garoonka Anfield maalmo ka dib markii ay isku arkeen horyaalka Premier League iyadoo Reds ay kulankaas dardartay Gunners.

Kulankooda caawa waa wareega 16ka ee koobka Carabao Cup iyadoo kooxdii badisa ay u soo gudbi doonto wareega 8da.

Tababaraha Liverpool ayaa isbedelo badan ku sameeyay shaxdiisa isagoo soo safay inta badan ciyaartoydiisa keydka iyadoo ay ka dhex muuqdaan kaliya Mohamed Salah, Van Dijk iyo James Milner.

Booska goolhayaha waxaa ku soo bilowday Adrian iyadoo daafaca ay ka ciyaarayaan labo Williams oo uu ku wehliyo Van Dijk halka Milner uu ka dheelayo garab daafac.

Khadka dhexe waxaa isagu yimid xiddigaha aan khibrad laheyd ee Grujic, Jones iyo Wilson. Dhanka weerarka Waxaa lagu soo bilaabay markii ugu horeysay saxiixa cusub Diogo Jota oo ay wehliyaan Minamino iyo Mohamed Salah.

Tababare Arteta ayaa isna ku soo bilaabay saxiixii cusub Gabriel oo ka ciyaaraya booska daafaca dhexe isaga iyo Gabriel halka Cedric uu ka soo muuqday shaxda iyadoo Leno uu yahay goolhayaha.

Pepe ayaa fursad la siiyay caawa ka dib markii keyd la geliyay kulamadii Premier League halka Ceballos isna lagu soo bilaabay khadka dhexe.

Liverpool XI: Adrian, N Williams, R Williams, Van Dijk, Milner; Grujic, Jones, Wilson; Minamino, Mohamed Salah, Diogo Jota.

Keyd: Kelleher, Fabinho, Wijnaldum, Gomez, Robertson, Origi, Elliot

Arsenal XI: Leno; Cedric, Holding, Gabriel, Kolasinac; Ceballos, Xhaka, Willock; Pepe, Nketiah, Saka

Keyd: Runnarson, David Luiz, Tierney, Elneny, Maitland-Niles, Lacazette, Nelson