Thiago Alcantara Iyo Alisson Oo Dhaawacyo Soo Gaadheen Ka

Tababare Jurgen Klopp ayuu walaac soo foodsaaray kaddib markii ay dhaawacyo soo gaadheen laacibka khadka dhexe ay dhowaanta kala soo wareegeen Bayern Munich ee Thiago Alcantara oo qaybtii dambe ee kulankii toddobaadkii hore ee Chelsea ciyaaray iyo goolhaye Alisson Becker.

Thiago Alcantara Iyo Alisson ayay dhaawacyoodu kusoo beegmeen maalin ka hor kulanka Arsenal ay ku martigelinayaan garoonka Anfield, kaas oo uu hore uga maqnaa kabtan Jordan Henderson oo Klopp uu xaqiijiyey in uu seegayo kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii hore.

Thiago Alcantara Iyo Alisson ayaan lagu arag garoonka tababarka Liverpool ee Meltwood toddobaadkan, waxaanay taasi shaki gelinaysaa inay taam u noqonayaan ciyaarta Arsenal ee Isniinta.

Subaxnimada Isniinta ayaa tijaabo caafimaad lagu samayn doonaa Alisson iyo Thiago, waxaana natiijada kasoo baxda loo gudbin doonaa Jurgen Klopp oo ku go’aan qaadan doona haddii ay ciyaari doonaan iyo haddii kale.

Warbaahinta ayaan wali helin macluumaad ku saabsan dhaawacooda, laakiin ciyaartii ugu dambaysay ee ay saftaan ayaa ahayd kulankii Stamford Bridge ay 2-0 kaga adkaadeen, taas oo Sadio Mane uu laba gool dhaliyey.

Alcantara ayaa rikoodh ka sameeyey ciyaartaas kaddib markii uu dhiibay 75 baas 45 daqiiqadood oo kaliya oo uu garoonka ku jiray.

Sadio Mane oo wax laga weydiiyey saxeexyada cusub ee Liverpool ay samaysay ee Thiago Alcantara iyo Diogo Jota ayaa waxa uu sheegay in kaliya aanay farxad u ahayn jamaahiirta inay arkaan laacibiintan laakiin sidoo kale ay ciyaartoyda hore usii joogay naadiga ay farxad gelinayso inay helaan laacibiintan.

Xiddiga reer Senegal ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in taageereyaasha oo kaliya aanay ku faraxsanayn inay arkaan Thiago. Waxa se hubaal ah, aniga khaas ahaan iyo ciyaartoyda kaleba waxay ku faraxsan yihiin inuu kooxda yimaaddo ciyaartoy tayadan oo kale leh. Kaliya wuu nasii wanaajinayaa. Waxa aan ku arkay maalintii ugu horreysay ee tababarka kaddibna wixii uu sameeyey ciyaartii Chelsea.”

“Waxa kale oo aan rajaynayaa inaynu arki doono Kostas iyo Diogo Jota oo dhab ahaantii saxeex wanaagsan noo ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay isagana.  Waa ciyaartooyo wanaagsan oo heer kale na gaadhsiin kara.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More