Skip to content
Saturday, October 24, 2026 12 Jumada al-Ula 1448 AH Sunrise 05:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Liberian House to Investigate Reported U.S. Deportation Deal
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Dibadbax sababay isku dhaca Ciidamada Kenya & DFS oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Dibadbax-sababay-isku-dhaca-Ciidamada-Kenya-DFS-oo

Dad ka careysan dil Ciidamada Kenya ay u geysteen dad shacab ah oo maalintii labaad dibadbax kawada Degmada Baladxaawo ayaa u dhawaaday Saldhig Ciidamada Kenya ee ilaaliya soohdinta Kenya calaadameysatay.

Militariga Kenya ayaa rasaas ku furay dadkii dibadbaxa sameynayay ee dhanka Baladxaawo ka tallaabay, waxaana ka dhashay rabsho sababtay in Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Kenya ay isku dhacaan.

- Advertisement -

Muddo kooban waxaa israaseynayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan dhanka Baladxaawo iyo KDF-ta Kenya ee la socda dhaq-dhaqaaqa dadka galaya Kenya iyo kuwa kasoo baxaya, muuqaal laga soo duubay goobta waxaa ka dhex muuqday dadka oo kala cararaya.

“Dad dibadbaxayay oo ka careysan falka Ciidamada kenya ay ku dhibaateeyeen shacabka ayaa ka gudbay dhanka Baladxaawo, muddo kooban kadib waxaa rasaas kusoo riday Ciidamo Kenyan ah, markii dambe waxaa rasaas aan badneen isku tuur-tuuray Askarta DFS & Kuwa Kenya, balse way joogsatay, xaalku waa degen yahay” Idiris Aadan oo kamid ah Odoyaasha Baladxaawo.

Dhammaadkii bishii Febaaro ilaa horaantii Maarso Baladxaawo waxaa ku dagaalamay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana ka qaybgalay Askar Kenyan ah oo madaafiic ku duqeeyay qaybo kamid ah Xaafadaha Degmadaas.

Kenya “Soomaaliya waxa ay kusoo Xadgudubtay Sharafteena iyo dhulkeena”.

“Askar Kenya u diyaarisay in ay la dagaalamaan Ciidamada DFS ayaa isa soo dhiibay”. Gudoomiye ku xigeenka Gedo.

Axadle.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes