Ian Wright Oo Saadaaliyey Ciyaarta Xanuunka Badan Ee Jurgen

Halyeyga Ian Wright ayaa usii sheegay jamaahiirta kooxda Liverpool inay isku diyaariyaan toddobaad xanuun badan oo ay guul-darro iyo bahdilaadi iskugu darsami doonto, taas oo aan muddo ka go’i doonin quluubtooda.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool ayay ka dhaawacan yihiin dersin kooxda koowaad ah, gaar ahaan khadka difaaca sida Virgil van Dijk, Joe Gomez, Fabinho, Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold.

Rhys Williams iyo Jordan Henderson ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonaan difaaca dhexe ee ciyaarta Leicester City ee Axadda ka dhici doonta Anfield, balse kabtan Henderson ayaa isagana taam ahaanshihiisa laga dayrinayaa iyadoo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa.

Liverpool waxa garoonkooda ugu imanaysa Leicester City oo uu hormood u yahay tababarihii hore ee Reds ee Brenden Rodgers oo aqoon u leh garoonkan iyo ciyaartoygaba, waxaana sidoo kale diyaar u ah dhaliyaha Jamie Vardy oo shabaqa la saaxiib ah.

Halyeyga Arsenal ee Ian Wright, ayaa rumaysan in mar kale uu Jamie Vardy shabaqa Liverpool soo taaban doono, iyadoo afartii mar ee ugu dambaysayna uu goolal kasoo dhaliyey.

“Tani waa tijaabo dhab ah oo Liverpool waajahayso sababtoo ah cidda ka maqan, mana haystaan afartoodii difaaca.” Ayuu yidhi Ian Wright.

Kulanka Leicester City, waxa kale oo Liverpool ka maqnaanaya Mohamed Salah oo Korona Fayras laga helay, balse Diogo Jota ayaa booskaas ka ciyaari doona, balse Wright waxa uu rumaysan yahay inay aad ugu adkaan doonto Jurgen Klopp inuu guul ka helo kulankan, waxaanu yidhi: “Haddii ay garaaci karaan kooxdan Leicester oo ay ila tahay inay aad ugu adkaan doonto sababtoo ah waxay Leicester samaynayso, cidda ay haystaan, Vardy oo goolal ka dhalinaya kooxaha sare, James Maddison oo aan looga yeedhin England, Youri Tielemans… – Haddii aanay Liverpool awoodin inay dhexda soo cidhiidhiso oo aanay awoodin inay jidka ka gooyaan Vardy, maba haystaan wiilashii waa weynaaye, waxaynu ka hadli doonaa arrin xanuun badan ku ah Liverpool.”

Dhinaca kale, Wright waxa uu sheegay in Liverpool ay tahay koox aan naxsanayn oo suuqa January aan si naxdin leh u geli doonin, waxaanu yidhi: “Laakiin waxa aan ku jecelahay Liverpool ayaa ah in aanay waxba soo iiban doonin bisha January, isla markaana aanay naxsanayn.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More