Erdogan oo saxiixay heshiiska difaaca ee Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan
Live updates
Dowladda Costa Rica oo xanibtay ergeyga QM ee Falastiin Francesca Albanese
Dowladda Costa Rica ayaa dalkeeda u diidday inay soo gasho Francesca Albanese, oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka Falastiin ee la haysto, iyadoo ku eedaysay "xiriir ay la leedahay falal argagixiso," sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Omer Badilla, oo ah agaasimaha guud ee hay'adda socdaalka ee Costa Rica, ayaa caddeeyay in Albanese loo xanibay maadaama ay "ku jirto digniin caalami ah oo la xiriirta ku lug lahaanshaha falal argagixisanimo."
"Waxaan rajeynayaa in tani ay meesha ka saarayso shaki kasta, isla markaana ay caddaynayso khatarta ay haweeneydani ku hayso amniga qaranka," ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhankeeda, Albanese ayaa tallaabadan loogu diiday inay dalkaas gasho ku tilmaantay "ceeb," iyadoo intaas ku dartay, "Waxa dhacay waa wax aad looga xumaado."
By Axadle Editorial Desk