Duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe
Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada Caalamka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.Howlgalka kowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Hayle oo ka tirsan Shabeellaha dhexe, halka howlgalka labaadna uu ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.Howlgalada ka dhacay deegaanka Cali hayle iyo Baraag…