Hogaamiye Biixi oo sheegay in dhawaan la as-aasi doono Gobaladda Waqooyi Airlines

 
Axad, Juun, 9, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi ay hirgalinayso shirkada diyaaradaha ee Gobaladda Waqooyi Airlines.
Hogaamiyaha oo qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd ka horjeediyay baarlamaanka, ayaa sheegay ay diyaariyeen qalabkii iyo macalimiintii tababari lahayd shaqaalaha ka shaqayn doona shirkada diyaaradaha ee ay Gobaladda Waqooyi yeelan doonto.
“Gobaladda Waqooyi markii ugu horaysay waxay bilowday aasaaska Gobaladda Waqooyi Airlines, si loo bilaabo in shaqaalihii la tababara oo ay jiraan dad diyaarsan oo hawsha kuu qaban kara weeyi, 4 diyaaradood oo kuwa tababarka ah oo ay Gobaladda Waqooyi leedahay ayaa maanta Hargaysa yaala, waxa jooga macalimiintii ardayda ku tababari lahaa” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shaqaalaha la tababarayaa ay baran doo aan in ka badan 10 takhasus, isla markaana ay tababari doonto shirkad caalami ah, isaga oo sheegay in shahaadooyin caalami ah oo Yurub ah ay heli doonaan kadib marka la tababaro.
Waxa uu intaa ku daray in diyaaradaha tababarka oo ah qaar  cusub muddo 3 ilaa 4 todobaad ah lagu xidh xidhi doono, kadibna la qaadan doono ardayda la tababari doono.
Hogaamiyaha iyo taliyaha millateriga ayaa shalay soo kormeeray diyaaradaha lagu tababari doono duuliyayaasha iyo farsamoyaqaanada ay yeelan doonto Gobaladda Waqooyi Airlines oo la keenay madaarka Cigaal.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More