Faahfaahino kasoo baxaya dil Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa
Talaado, April, 30, 2024 (AX) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhiga degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay inuu ka dambeeyay dil Shalay loogu geystay deegaanka Daarusalaam wiil dhalinyaro ahaa.Eedeysanaha dilka geystay ee gacanta lagu soo dhigay ayaa Booliisku sheegay inuu ka mid yahay ciidanka ilaalada deegaanka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Maxamud oo da'diisu tahay 26 sano jir.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Tooxow oo…