Browsing Tag

faahfaahin

Xukumadda oo faahfaahin hordhac ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Ceeldheer

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in saakay jab xooggan gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aroortii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday kula jarmaaday degmada Ceeldheer.War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay kasii war hayeen weerarka kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in khasaare xoog leh la gaarsiiyo kooxda.Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in…

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka

 Jimco, May, 31, 2024 (AX) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab iney ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool.Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in ciidamada dowladda ay howlgaladaasi…

Faahfaahin kasoo baxaya 7 caruur ah oo Maanta baddu ku qaaday xeebta magaalada Marka

Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya magaalada xeebeedka Marka ayaa ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ilaa 7 caruur ah ay maantu qaaday badda.Laba ka mid ah 7-da caruurta ah ayaa lasoo badbaadiyay, iyadoo sidoo kale la helay mid sadaxaad oo meydkiisa biyaha soo saareen, sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Odayaasha deegaanka.Labada caruurta ah ee lasoo badbaadiyay ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaalka magaalada Marka, halkaas oo lagula tacaali haayo xaaladooda caafimaad.Cabdalla Bashiir…

Xukumadda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howgalo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe

 Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Cali Heelle iyo Baraag Sheekh Caamir , waxaana deegaanka Cali Heelle lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, halka deegaanka Baraag Sheekh Caamir lagu dilay 5 xubnood oo kale."Hawlgalka…

Faahfaahin ku saabsan sababta Soomaaliya aysan u doonayn sii jiritaanka xafiiska UNSOM

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).Xukumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in laga guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), loona guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah.Isbadalkan ayay dowladdu sheegtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka…

Faahfaahin 6 kamid ah shaqaalaha Hormuud oo lagu dilay qarax lagula eegtay Garasbaalley

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Lix ka mid ah shaqaalaha Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud  ayaa ku geeriyooday qarax galabta lagula eegtay iyagoo la socday gaari marayay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falkaan, iyadoo ku eedeysay kooxda Alshabaab inay ka dambeeyaan qaraxaan. Dowladdu waxay sheegtay in si kutalagal ah loo beegsaday shaqaalaha shirkadda Hormuud, uuna falkaan qeyb ka yahay beegsiga lagu hayo shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya. Dhinaca kale,…

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carfuuda oo qiyaas ahaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug uga beegan dhanka Waqooyo 20 KM. Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay beegsadeen labo xarumood oo kala…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More