Hogaamiye Biixi oo sheegay in doorashada lagu gali doono qalab ay mucaaradku diidanyihiin

 
Arbaco,  Juun, 26, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in doorashada lagu gali doono nidaamka sawirista bu’da isha, oo ay mucaaradku diidanyihiin.
Hogaamiyaha oo hadal ka jeediyay munaasibada 26 Juun ee Aqalka Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegay in qalabka sawirka wiilka isha loo adeegsan doono doorashada.
“Doorashada in lagu galo sawirka isha bu’deeda, waa ta kali ah ee aynu ku kala badbaadayno, ciddii diiddanna iyada cirka roob ku og, hawshaasi annaga fulinayna lacagtiina waanu haynaa” ayuu yidhi Hogaamiye Muuse Biixi.
Qalabkan ayaa guddida doorashooyinka ka caawinaya in dadwaynuhu anay codayn hal mar wax ka badan, codeeyayaasha ayaa mara sawirka indhaha xiliga diwaangalinta, waxayna doorashada markale ku gali doonaan sawirka isha.
Hadaba, mucaaradka ayaa walaac ka qaba in diyaarinta qalabkani ay horseedi karto in doorashadu dib u dhacdo.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More