Mandera (AX) — Hooyooyinka iyo dhallaanka cusub ee ku sugan Isbitaalka Gudbinta ee Degmada Mandera ayaa la filayaa inay helaan daryeel ka wanaagsan kaddib markii Hay’adda Horumarinta iyo Taakulaynta Bulshada Reer Miyiga (RACIDA) ay ku deeqday qalab muhiim u ah caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Deeqdan ayaa ka kooban sariiro koronto ku shaqeeya oo loogu talagalay umulinta, sariiraha yaryar ee dhallaanka, miisaan dijitaal ah oo ay adeegsadaan khubaradu iyo ulo lagu cabbiro dhallaanka.
- Advertisement -
Isuduwaha RACIDA ee Mandera, Cabdi Dagane, ayaa sheegay in deeqdani ay muujinayso taageerada joogtada ah ee hay’addu u hayso adeegyada caafimaadka dadweynaha ee guud ahaan degmada.
“Wareejintani waa qayb ka mid ah barnaamijyada caafimaadka iyo nafaqada ee RACIDA ka waddo Mandera, kuwaas oo lagu fulinayo iskaashi lala leeyahay dowladda degmada iyo bahwadaagta horumarinta,” ayuu raaciyay.
Mas’uuliyiinta isbitaalka iyo kuwa degmada ayaa sheegay in qalabka cusub uu gacan ka geysan doono kor u qaadista badbaadada, hufnaanta iyo tayada adeegyada la siiyo hooyooyinka iyo dhallaanka cusub.