Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

“Argagixisadu waxa ay Gubtay 7-Gaadiid oo nuuca Xamuulka

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Sadiiq Adan Cali Doodishe. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Al-Shabaab xalay fiidkii ay gudbtay 7-Gaadiid oo ah kuwa Xamuulka ah kuwaas oo ka tagay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Booliiska Soomaaliya ayaa tilmaamay in Gaadiidkaan Xamuulka ah Al-Shabaab ku qabatay bannaanka hore ee Tuulada EMED KOOREY ee Gobolka Bakool, isla markaana ay dab qabadsiiyeen sida hadalka loo…

“6-Bil kadib Cadalaadda ma helin Dhaqaatiir lagu dilay

Warbixin kasoo baxday Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch waxa ay uga hadashay 6-bilood kadib waxa laga qabtay dil wadareed loo geystay samafalaal caasimaad oo lagu dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe. Dhacdadaan ayaa lagu dilay 6-Dhaqaatiir & qof farmashiye ka shaqeynayay, falkaan oo dhacay 27-kii May 2020, kadib markii 1:30 P.M. ay afduubatay koox wajiga daboobatay oo ka koobneed shan ruux sida ay wariyeen dadka deegaanka. Xarunta Caafimaadka ee Gololey oo ay…

RW Rooble oo Baydhabo kula kulmay Xildhibaannada,

Kulankaan ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa soo agaasimay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, waxaana ka qaybgalay Xildhibaannada labaad ee Dowlad Goboleedkaas, Ganacsato, Dhalinyaro & qaybaha kala duwan ee Bulshada. Rooble ayaa la wadaagay warbixin la xiriirta Xaaladda Dalka, Qorshaha Xukuumaddiisa, Doorashada 20/21, Doorka ay ku leeyihiin shaqsiyaadka uu la kulmay & tallaabooyinka siyaasadeed ee la qaadayo. Ka qaybgalayaasha ayaa…

Mareykanka oo ku baaqay in wada-xaajood siyaasadeed laga

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in aan laga maarmin wada hadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka ka dashay Guddiga Doorashada 20/21 oo ay saluugeen musharixiinta Madaxeynaha. Kelly Craft oo ah Ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in aan laga maarmin wada-xaajood siyaasadeed si looga gudbo cabashada. Dhameystirka Howsha Geedi socodka Soomaaliya waxa ay rajo…

RW Rooble oo QM la wadaagay Doorashada 20/21, Amniga &

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku xog dhageysanayay Xaaladda Soomaaliya & diyaargarowga Doorashada 20/21. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga (Video Conference) waxaa mid mid loo dhageystay warbixinnada ay hayaan shaqsiyaadka ka qaybgalay oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Xukuumadda Soomaaliya, Hoggaanka sare ee AMISOM, Hay’adaha la socda xaaladda dalka &…

Weerar lagu qaaday Masjid oo lagu dilay 5 qof, lagu

Dabley ayaa shan qof ku dilay, 18 kalena ku afduubtay weerar ay ku qaadeen Masjid ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria, sida ay booliska gobolka sheegeen. Illaa boqol dabley oo ah tuugada lo’da xadda oo ku socda mootooyin ayaa rasaas ku furay Masjidka oo ku yaalla xaafadda Dutsen Gari ee degmada Maru, xilli ay dadka dukanayey salaadda Jimcaha. “Burcadda waxay dileen shan qof oo cibaadeysanayey, waxayna afduubteen 18 kale, oo uu ku jiro imaamkii…

Maxaa ka jira in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee harunta gobolka Hiraan ayaa sheegaya in safar uu maanta ku tagi lahaa madaweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle. Hogaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah ka dago garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee  magaalada Baledweyne si loogu Caleema saaro…

Cabdi Xaashi oo ku biiray shirka midowga Musharixiinta uga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka maalintii saddexaad Magaalada Muqdisho uga socda Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyaha Soomaaliya. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay Musharaxiinta u sameeysan lahaayeen Golle is-baheysi oo mid ah. Sidoo kale Shirka…

Golaha Wasiirada DG Puntland oo fadhi degdeg ah ka yeeshay

Hogaamiye ku xigeenka DG Puntland ahna ku simaha Hogaamiyaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa fadhi degdeg ah la yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaas, waxa ay diiradda saareen xaaladda Magaalo xeebeedyada Gobolka Bari. Golaha Wasiirada ayaa dhageystay Warbixinta ku simaha Hogaamiyaha ee la xiriirta xogta uu uruuriyay saacadihii lasoo dhaafay oo Roob Dabayl wata uu ku da’ay Degmooyinka dhulka Badda kulaala. Wasiirada ayaa dhankooda gudbiyay taladooda degdega ah si wax loogu…

Maxaa kasoo kordhay Shirka Wada tashiga Musharixiinta

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Wada-tashiga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 oo cabasha ka qaba guddiga doorashada & qorshaha DFS ay ku maamuleyso. Sida Musharixiinta ay sheegeen waxaa loo qorsheeyay in uu socdo 21/23 ka November 2020 oo maanta ah, balse Ilo xog ogaal ah oo ka dhaw Shirka ayaa Axadle u sheegay in maalin kale lagu daray, lana soo gaba-gabeynayo Berri oo Talaado ah 24-ka November 2020. Sababta maalinta…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More