Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Golaha shacabka kulmaya kadib fadhigii fashilmay. –

Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in ay kulan yeeshaan kadib markii shaley uu kulankoodii kusoo dhamaaday buuq iyo guuldarro. Qoraal kasoo baxay aqalka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulanka berri looga hadli doono labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha. Guuldarro ayuu kusoo dhamaaday kulankii shaley ay lahaayeen xildhibaanada barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xildhibaano ka tirsan…

Go’aanka Mursal fadhiyada golaha shacabka ugu mamnuucay

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa diiday go’aankii afhayeenka Golaha Shacabka ee mudo xileedkiisu dhamaaday 27-dii December ee sanadkii hore 2020-ka uu shanta kulan ee soo aadan ee golahaas uu kaga mamnuucay 15 mudane. “Toogasho ula kac oo loo geystay golaha shacabka” Axmed Macalin Fiqi wasiirka amaanka Galmudug oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa go’aanka fadhiyada golaha loogu mamnuucay 15 mudane ugu yeeray “Toogasho ula kac oo…

15 Mudane oo diiday Go’aanka Af-hayeenka golaha

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa diiday go’aankii afhayeenka Golaha Shacabka oo mudo xileedkiisu dhamaaday 27-dii December -2020 uu shanta kulan ee soo aadan uga mamnuucay 15 mudane oo katirsan golaha Axmed Macalin Fiqi wasiirka amaanka Galmudug oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka  ayaa go’aanka fadhiyada golaha loogu mamnuucay 15 mudane ugu yeeray “Toogasho u la kac ah oo loo geystay hey’addii Xeerdejinta”. Axmed Fiqi ayaa yiri: “Tani waa…

Myanmar: Militariga oo toogashada Rayidka kordhiyay &

Myanmar oo Talada Militariga la wareegay 1-dii Febaraayo 2021 waxaa ka socda dibadbaxyada dadka ka careysan go’aan ay ka dhigayaan iyada oo Ciidamada ay toogasho si joogta ugu sameeyaan dadka xamaasadeysan. 114-ruux oo Sabtidii la dilay waxa ay ka dhigtay tiradii ugu badneed ee la togto waxaana sidaas ku jabay rikoodhkii todobaadyo kahor ee ahaa in maalin qura la dilay 90-ruux sida ay tebisay Warbaahinta Gudaha & tan dibedda. Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa cambaareyn kusoo koobmay, Dowladaha qaar waxa ay…

Shil Sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada

Inta la xaqiijiyay Askari ayaa dhintay mid kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Gaari nuuca Xamuulka qaada gaar ahaan (Toyota Dyna) ku bareeg-joogatay Kontoroolka Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho. Wadaha Gaariga ayaa damacsanaa in uu ka gudbo Bar kontorool oo Ciidamada ammaanka ay ku hubiyaan Gaadiidka & Dadka la socda oo qayb ahaan saaraan Taalada Daljira Daahsoon, maadaama wadada la wareegeysay Taalada la xiray. “Wadaha Gaariga ayaa awoodi waayay in uu xakameeyo waxaana u go’ay Bareegga xili uu kasoo…

Xildhibaan Warfaa: “Waa awood sheegasho in Xildhibaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ganaax shan kulan ah dul-dhigay 15-Xildhibaan oo ku eedeysan is hor istaag fadhiga Baarlamaanka uu shalay ku lahaa Muqdisho kadib markii Xildhibaannadaas ay muujiyeen shaki la xiriira in waqti kororsi loo sameynayo Dowladda muddo xileedkeeda dhammaaday. Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo kamid ah mudanayaasha ganaaxa shanta kulan ah la dul-dhigay oo la hadlay VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in awoodda Dastuurka uu siiyay qiil looga dhigo kulan joojin…

Maxay isla garteen Qoor-Qoor, Guudlaawe & Golaha

Kulankaan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgalay Hogaamiyayaasha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ahna Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud & xubno kale oo golaha katirsan. Fadhiga oo Saacado qaatay waxa ay dhinacyada yeeshay is tusiyeen qaabka looga gudbi karo khilaafka daba-dheeraaday, maadaama muddo xileedka Hogaamiyayaasha Dowladda…

the Protestant Church publishes its roadmap

After the Catholic bishops, the Protestants raise their voices against any postponement of the 2023 election. The Church of Christ of the Congo (ECC), the second largest religious denomination in the country, was unveiled on Saturday, March 27 in Kinshasa, its roadmap in the presence of elected officials and civil society activists . For Protestants, it is a real race against time that must begin now to hold elections in time. as reported from Kinshasa, Pascal Mulegwa Time passes and the tone of the Protestant…

Farmaajo waxa uu rabaa in uu noqdo kama ‘dage’ waxa

Daahir Maxamuud Geelle, afhayeenka golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu amray guddoonka Golaha Shacabka in ay muddo kororsi u sameeyaan. Geelle oo shir jaraa’id ka hadlayay Sabtida maanta ah ayaa ku booriyey Hogaamiye Farmaajo in uu dalka ku hogaamiyo doorasho daahfuran oo lagu wada qanacsanyahay. “Aad ayaan u cambaareynaynaa in la isku dayo in lasoo nooleeyo xilli xileedka dhamaadey. Ilaahey baa wax dhintay soo nooleeya.…

Mareykanka oo ka digaya in Taliban la wareegto

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood waa haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay. Hogaamiye Joe Biden ayaa go’aan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More