Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Omar Sharmarke ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho. Cumar Cabdirashiid, oo ah senator ka tirsan Aqalka Sare, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in heshiiskan oo ah mid amni iyo difaac la doonayo in dhowaan lagu saxiixo magaalada Addis-Ababa. “Heshiiska amni/difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu…