Browsing Category

Somalia

Somalia news, politics, security, diplomacy, and public affairs from Axadle, with breaking updates and analysis from Mogadishu and across the country.

Isku daygii afgambi ee Jordan oo lugaha la galay Sacuudiga

Amman (Axadle) – Amiir Hamzah-ha Jordan ayaa doonayey inuu afgamabiyo walalakiis boqor Cabdallaha Labaad, isaga oo taageero ka helaya Sacuud Carabiya, sida lagu sheegay eedeymo maxkamadeed oo lasii daayey Axaddii oo ka dhan ah laba qof oo kiiskan lagu eedeeyey. Labada qof ee la eedeeyey ayaa xiriir dhow la leh Sacuudi Carabiya: Mid ka mid ah waa madaxii hore ee maxkamadda boqortooyada Bassem Awadallah oo haysta dhalashada Sacuudiga, kan kalena waa ergeygii hore ee gaarka ahaa ee boqortooyada, Sharif Hassan bin Zaid. Labada…

Sawirro iyo wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha waddada Muqdi…

Muqdisho (Axadle) – Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa si habsami leh u socda, iyadoo maalmihii u dambeeyay la bilaabay in qeyb ka mid ah Wadada la saaro laamiga. Waxaa socda dhismaha illaa 13KM oo laga bilaabay agagaarka Ex Koontarool Balcad, kaasi oo kamid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. Dhismaha wadada oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday ayaa waxaa maal-galisay dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka. Qatar ayaa sidoo kale hore u bixisay mashruuca…

Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku dagaalamay Jubbada Hoos…

Kismaayo (Axadle) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo xoogag ka tirsan Al-Shbaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii weerar ku billowday madaafiic ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankaasi ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana…

Dibad-bax ka dhan ah KENYA oo ka dhacay Garbahaarey

Garbahaarey (Axadle) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay gobolkaasi ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya. Dibad-baxani oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey  erayo ka dhan ah dowladda Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe, sida Kenya ha dhacdo, daba-dhilifka ha dhaco…

Qaar ka mid ah waalidiinta caruurtooda la geeyey Eritrea oo …

Muqdisho (Axadle) – Qaar ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda dowladda Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shaaciyey xog ay ka heleen wiilashooda oo ku saabsan xadgudubyo culus oo lagu hayo iyo dagaalka la sheegay in loogu qaaday gobolka Tigray.  Waalidiintaas oo khadka taleefanka ugu warramaya idaacadda BBC-da ayaa sheegay in carruurtooda oo ay khadka taleefanka dhowr jeer kula xiriireen aysan u sheegin wax dagaal ah oo ay…

Gabar Soomaali ah oo qaab aad loola yaabay loogu dilay magaa…

Mombasa (Axadle) – Najmo Macalin Cabdullaahi oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ka baxay Dugsiga Sare ayaa meydkeeda laga helay deegaanka Bonji ee Magaalada Mombasa, ka dib saddex cisho oo la la’aa. Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada marxuumadda ayaa sheegay in gabadha ay ugu war dambeysay gelinkii dambe ee Arbacadii, saddex cisho ka dibna ay meydkeeda heleen. Xasan Bashiir ayaa tilmaamay in gabadha ay is raaceen gabar kale oo saaxiibo ahaayeen,…

Farmaajo oo mar kale fara-geliyey xubnaha guddiyada doorasha…

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale fara-gelin ku haya Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, sida ay ogaatay Axadle. Guddiyda uu xubnahooda fara-gelinta ku hayo Farmaajo ayaa waxaa kamid ah xubnihii Gobaladda Waqooyi, oo kal hore ay ka dhaqaaqi weyday doorashada, waxayna midaan markale caqabad hor leh ku noqon kartaa…

Ethiopia oo shaaca ka qaaday hay’ado ‘orsheynayey’ inay si h…

Addis Ababa (Axadle) – Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Demeke Mekonnen ayaa eedeyn culus u jeedisay hay’addaha gargaarka bini’aadanimo, gaar ahaan kuwa ka howl-gala gobolka Tigray, xili ay taagan tahay saameyntii ka dhalatay dagaalkii gobolkaas. Demeke Mekonne ayaa sheegay in hay’addahaas ay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku geliyaan gobolka Tigray, ayaga oo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, sida uu hadalka u dhigay.…

Xog: Farmaajo oo qaadaya laba tallaabo mid si uu uga jawaabo…

Muqdisho (Axadle) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Axadle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka fakarayo in uu qaado laba tallaabo middood si uu ugua jawaabo arrimaha la xariira dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea.  Dhallinyaradan ayaa dalka ka maqan in ka badan laba sano, waxaana dhowaan xoogeystay warar sheegaya in laga dagaal geliyey gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, inkasta…

Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta keentay duqeynta Kenya ay …

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta keentay in duqeymaha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka fuliyaan gobolka Gedo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duqeymaha Kenya uga hadlay dood ay si Online ah u qabatay warbaahinta Garowe Online oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad kun qof oo isugu jiray madax hore, kuwa hadda xil haya, siyaasiyiin iyo aqoon…