Jowhar oo lagu xiray Shaqsiyaad lala xiriiriyay Amni darro.
Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgalo lagu baarayo Gaadiidka iyo dadka la socda waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulkaas.
Dad u badan dhalinyaro oo ay hay’adaha ammaanka ku tuhmeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jowhar ayay kusoo qabteen baaristooda.
- Advertisement -
Qaarkood waala sii daayay, halka shaqsiyaadka kale ay la aadeen saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada Jowhar oo xarun u ah DG Hir-Shabeelle, sida Axadle ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan lamaaha ammaanka.
Jowhar oo bilooyinkii lasoo dhaafay qaraxyo ka dhaceen, waxaa muddo bil ah lagu dilay labo Wasiir oo sidoo kale ahaa Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, wixii ka dambeeyay falalkaas waxaa kordhay howlgalada Ciidamada.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab culeys saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii howlgalada iyo dagaalada Ciidamada Dowladda ay ku kordhiyeen Gobolka Shabeelaha Hoose oo deris la ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo Wareysi gaar ah Axadle ayaa sheegay Dadaalka dhanka amniga lagu xasilinayo uu socdo, balse Al-Shabaab xoogga saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Axadle.