Hiiraan Online Publishes Story on the Leader of Change

Isbeddelku had iyo jeer ma aha mid sahlan. Wuxuu wataa culays, khatar iyo cabsi, balse wuxuu noqdaa waddada keliya ee ay bulsho ama dal ku gaari karaan horumar dhab ah.

Hiiraan Online Publishes Story on the Leader of Change

By Abdirahman Yusuf Al-adalaThursday April 9, 2026

Isbeddelku had iyo jeer ma aha mid sahlan. Wuxuu wataa culays, khatar iyo cabsi, balse wuxuu noqdaa waddada keliya ee ay bulsho ama dal ku gaari karaan horumar dhab ah.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doortay inuu si toos ah u galo isbeddel saameyn ku yeesha xaaladda dalka, isaga oo qaaday tallaabooyin adag oo aan si fudud loo wada qaadan karin.

Isaga oo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimadii iyo xog-ogaalnimadii uu ka helay muddadii uu xilka hayay markii hore, muddo badan kuma qaadan inuu kala miisaamo meelaha mudnaanta leh ee u baahan in si gaar ah loo wajaho si loo gaaro natiijo la taaban karo.

Sanado halgan adag ah kadib, waxaa maanta muuqata xilli natiijooyin la ururinayo. Qormadan waxaan ku dul istaagayaa saddex arrimood oo ah, malaha, kuwa ugu waaweyn uguna saameynta badan, kuwaas oo natiijooyinkoodu hadda durba bilaabeen inay taabtaan nolol maalmeedka dadka, isla markaana beddelaan hab-nololeedkii soo jireenka ahaa.

1- Amniga.

Soo celinta nabadgalyada ayuu u arkay furaha ugu muhiimsan, isagoo aaminsan in aan wax kale laga hadli karin inta amnigu liito.

Dagaal adag oo ay dowladda kula gashay kooxaha abuura amni darrada, oo ay ugu horreeyaan Khawaarijta, hubka sharci darrada ah, iyo xoojinta hay’adaha amniga, ayaa maanta soo saaray isbeddel aan lagu muransanayn. Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka caasimadda Muqdisho, ayaa hadda ku nool xaalad amni oo muddo ka badan 40 sano aan si wanaagsan loo arag.

Isbeddelkaas amni wuxuu sidoo kale si weyn u saameeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka, halkaas oo ay si muuqata hoos ugu dhaceen dhibaatooyinkii amniga. Sababihii guusha keenay iyo waddadii loo maray, qormo kale ayaan ku faahfaahin doonaa.

2- xasilinta Siyaasadda.

Goobta labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doortay waxay ahayd in uu beddelo xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo muddo dheer aan muujin horumar muuqda. Sida amniga oo kale, wuxuu ka faa’iidaystay fahamkiisa sare ee halka ay sartu ka qurunsantahay, wuxuuna garwaaqsaday in dalku uusan horumar siyaasadeed ku gaari karin nidaam aan la jaanqaadayn dowladnimada casriga ah. Waxa uu rabay nidaam siinaya muwaadiniinta fursad, abuura fagaaraha siyaasadda ee dadka Soomaaliyeed isugu keena, kana saaraya qoqobka qabyaaladda si loo helo hannaan wax lagu darsado oo aan qabiil ku dhisnayn balse aragti ku salaysan, isla markaana sal sharci leh siiya daneeyayaasha siyaasadda.

Si himiladaas loo hirgeliyo, waxaa lagama maarmaan noqotay in la dhameystiro Dastuurka, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka kor ku xusan, loona guto waajibaadkii soo jireenka ahaa ee dowladihii kala dambeeyay 26-kii sano ee tegay, kuwaas oo waajibaadkooda ugu weyn uu ahaa in dalka la gaarsiiyo nidaam dowladeed oo dimuqraadi ah, awooddana uu leeyahay shacabka, lagana gudbo xukunka ku yimaada xeer-jajabka.

Si la mid ah xaaladda amniga, sanado shaqo adag kadib, dalku wuxuu u dhaqaaqay doorasho ay dadweynuhu codeynayaan, kuna dhisan axsaab siyaasadeed oo aan qabiilaysnayn. Tallaabadii ugu horreysay, 390 qof oo ka tirsan Golaha deegaanka ee caasimadda ayaa ku soo baxay hannaankan. Hadda sanduuqyada codbixintu waxay ku baahsan yihiin min cirifka koonfureed ee dalka ilaa cirifka waqooyi, halkaas oo la filayo in dadweynuhu ay ku soo dooran doonaan hoggaamiyayaashooda heer deegaan ilaa madaxweyne qaran.

Tani waa isbeddel siyaasadeed oo dhab ah, kaas oo hagaya nidaamka siyaasadeed ee dalka mudada soo aaddan, insha Allaah.

3- isbadal dhaqaale.

Madaxweynaha, isagoo garwaaqsaday in doonista shacabka Soomaaliyeed aanay socon karin haddii dalku ku jiro gacmo-hoorsi, wuxuu arkay in ay lama huraan tahay in la helo ilo dhaqaale oo dalka ka imanaya, isaga oo ka faa’iidaysanaya khayraadkiisa dabiiciga ah.

Iyada oo la adeegsanayo dhiirranaan la mid ah tii labada qodob ee hore, ayuu Madaxweynaha dhaqaajiyay ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, arrin muddo dheer laga baqayay.

Dagaal adag oo dhinacyo badan leh kadib, waxaa hadda bilaabanaya in Soomaaliya ay soo saarto khayraadkeedii ugu horreeyay, mana aha wax hadal iyo saadaal ku eg, balse waa ficil ay fulintiisu socoto.

Saddexda aag ee qormadani taabatay ma aha meelaha keliya ee isbeddelku ka dhacay, balse waa kuwa ugu mudan uguna saameynta badan ee si muuqata uga muuqday hab-nololeedka dadkeenna, waana sababta aan u soo xushay.

Maxaa sahlay gaarista guulahaas?

Waxaa jira dhowr arrimood oo mudan in la xuso, kuwaas oo sal u ah xaqiijinta isbeddelkan degdegga ah ee waqtiga kooban,

Arrinta koowaad waxay tahay in Madaxweynaha uu xukunka la wareegay isagoo wata aragti cad oo qorshaysan; tan xigtay waa inuu doortay Raysalwasaare la aragti ah oo karti u leh in uu dhaqan geliyo aragtida Madaxweynaha; waxaa sidoo kale muhiim ah xirfadda maaraynta xasaradaha iyo qaadista caqabadaha ee hoggaanka dalka, adkaysiga iyo isku-duubnida hoggaanka dalka, iyo ugu dambayn taageerada shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay garab istaag weyn.

Gunaanad.

Arrimahani waa tusaalooyin cad oo muujinaya isbeddel dhab ah, waxayna tilmaamayaan jihada uu dalku u socdo, iyaga oo qeexaya doonista sare iyo aragtida dheer ee hoggaanka dalka ee maanta. Mana aha natiijo faa’iidadeedu ku kooban tahay qof, koox ama deegaan gaar ah; waa miro ay si isku mid ah u dhadhami doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Waa waddooyin furistooda ay halis badan u galeen hoggaanka maanta jooga, balse guusha ka soo baxda ay dhaxli doonaan hoggaamiyeyaasha soo socda, kuwaas oo laga yaabo in ay ka mid yihiin kuwa maanta diidan. Taasi waa sunnada nolosha qaybteed.

Fariin Dadwayne.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waxaa hortiinna timid hirgelinta qaybo ka mid ah himilooyinkii dowladeed ee aad muddada dheer u haminayseen. Waxaa soo ifbaxay iftiinkii aad sugayseen, waxa soo dhowaaday sawirkii aad ku riyoonayseen, daruurtii aad ka cabsanayseenna waxay dul timid, sidaas awgeed, idinka oo aan ku dawakhin doodda badan ee uu dan gaar ahi hagayo, dhinac ka istaaga halganka lagu gaarayo laguna xaqiijinayo himilooyinka qaran iyo hanka ummadeed ee idiin muuqda.

Waxaa Qoray: Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala.