Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:55
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia Strengthens Central Bank to Secure Future of Digital Payments
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

DF oo war kasoo saartay kulankii Rooble iyo wasiirka arrimah…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ahna Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa maanta garoonka wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wafdigan qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

How do you rate this story?

0 votes