Dagaalka Al-Shabaab: Halgan Qaran mise Dan Beeleed?
Dagaalka Al-Shabaab: Mas’uuliyad Qaran Mise Mashruuc Qabiil?
Kooxda Al-Shabaab muddo dheer ayay Soomaaliya ku haysay culays iyo cabburin. Ma jiro madaxweyne ama dowlad Soomaaliyeed oo aysan wacad ku marin inay kooxdaan xiriirka u go’aan. Su’aashu mar weliba waxay tahay, yaa dagaalkaan leh? Ma mashruuc u gaar ah hal beel baa mise waa halgan qaran oo Soomaaliyeed oo loo baahan yahay inuu qof walba qaybtiisa garto?
Dhowaanahan, waxaan arkaynay ifafaale muujinaya in dagaalka lagu qoondeeyey beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2022 markii uu billaabay ololaha kooxda AS ka dhan ah ku baaqay dagaal shacab oo midaysan. Waxaan xasuustaa siduu Madaxweynaha u yiri, “Waxaa la gaaray xilligii aan aragi lahayn Soomaaliya oo ka xorowda argagixisada. Si wadajir ah aan uga hortagno oo aan dalkeenna dib ugu sheeganno.”
Beesha Xawaadle waxay noqotay beeshii ugu horreysay ee jawaab dhab ah bixisa. Sidee bay mudnaan gaar ah ku heleen siyaasad ahaan ama bulsho ahaan? Waxay ahayd geesinimo lagu faani karo, balse waqti kadib dagaalka wuxuu isu rogay mashruuc saameyntiisa kaliya lagu arko isla beeshaas. Waxaa dhegahooda maalin walba kusoo gaara jugta hoobiyeyaal iyo qaraxyo, dagaalkii qaran ahaanna wuxuu noqday halgankii Hal-beeleed.
Habka dagaalkaan loo wajahay wuxuu Al-Shabaab fursad u siiyey inay dib isu abaabulaan oo yimaadaan xeelado waaweyn oo hor leh, iyadoo ay muddo laba sano ku dhow dagaalkaasi hakad galay.
Soo xasuuso Aboorey, Beeraha Yabaal iyo deegaanadooda xeeran sida guushii laga gaaray xal ugu noqotay rajo iyo farxad dadka deegaanka. Maanta xaaladdoodu waa mid ka duwan. Waxaa mar kale lagu maqlayaa argagaxa iyo ciilka sababtoo ah dagaalkii laba sano kahorna dib ayuu usoo noqday iyadoo kooxda ay xeelado cusub iyo buf nafsadeed lasoo gashay dagaalladii dhawaan harqiyay gobolka. Dhaliishay soo noqotay waxay tahay inuusan dagaalku noqon mid heer qaran ah, balse ku ekaaday un hal beel oo culayskii oo dhan lagu saaray.
Waxaa haboon inaan isweydiinno maanta, shacabka Soomaaliyeed iyo dawladduba, dagaalkani ma dagaal Soomaaliya baa mise waa mashruuc halbeeleed loo qorsheeyay? Waxaa iga yaabinayey dhawaan erayo wiil dhalinyaro ah oo ka yimid magaalada Beledweyne markii uu yiri, “Wallee in aan noo cadaalad ahayn inaan annagu dhiiggeena daadinno, halka dadkii Soomaaliyeed intoodii kale ay kaliya ka hadlayaan arrinta.” Ereyada dhalinyaradan waxay nagu dhalineysaa inaan ka fakarno oo qiimeynno doorkeena qof ahaan iyo bulsho ahaanba dagaalka lagu jiro.
Caqabadaha hadda jira waxa ka mid ah:
- Kala Qaybsanaanta iyo culeys saaridda hal beel ama gobol: Hal beel keliya lama hawlkari karto dagaalka qaran.
- Xeeladaha cusub ee kooxda AS: Kooxda oo awoodday inay si xeeldheer ugu faafiso fikirkeeda iyo falalkeeda argaggixiso.
- Guul darro xagga midnimada siyaasadeed iyo qaran: Waxaa muuqata inay jirto baahi weyn oo loo qabo qorshe isku mid ah iyo istiraatiijiyad qaran oo xooggan.
- Joogteyn la’aanta dagaalka: Hakadyada joogtada ah waxay kooxda u oggolaanayaan inay iyagu nasasho iyo dib-u-habeyn helaan.
- Isticmaalka kooxda ee baraha bulshada iyo warfaafinta: Al-Shabaab waxay baratay sida bulshada loo qalqal galiyo loona marin habaabiyo, taasoo aan looga jawaabin dadaal ku filan.
Xalka aynu heli karno waxa kamid ah:
- In dagaalku qaran noqdo: Dawladdu waa inay qaadataa mas’uuliyadda buuxda oo degdeg ah kana fogaataa astaan kasta oo qabyaalad iyo gobolyeysi ah.
- Qorshe qaran oo mideysan iyo hoggaan: Waa inuu jirto qaab istiraatiji ah oo laga wada tashaday, cad oo waara.
- Taageero ciidan, maskaxeed iyo dhaqaale: Bulshooyinkii dagaalka galay in la garab istaago waa lama huraan.
- Wacyigelin ballaadhan iyo abaabul bulsho: Bulshada ha loo caddeeyo in kooxdan aysan diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed meelna ka soo gelin; halgan midaysan baa looga adkaan karaa.
- In Fikirka AS lagula dagaallo cilmi iyo waxbarasho: Goobaha laga saaro kooxda waa in loo sameeyaa qorshe ka fogaansho iyo waxbarasho ka mamnuucaysa in fikirkoodu dib ugu soo laabto.
Waxaan kusoo koobayaa qoraalkayga inaan mar kale adkeeyo sida ay muhiimka u tahay in dagaalka Al-Shabaab laga dhigo mid midaysan oo qaran ah. Waxaan mar walba rumaysanahay hadalkii qoraaga Soomaaliyeed Axmedey oo yiri, “Dagaalkii aan meel looga soo wada jeedsan waa halaag iyo fashil. Mid ku dhisan wadajir iyo midnimo waa mid guuleysta.”
Bulshada iyo dowladdu waa inay hadda garwaaqsadaan inay tahay waqtigii la abuuri lahaa midnimo dhab ah, iyadoo aan laga dareemin kala qoqobnaan iyo isku kalsooni la’aan.
Marka aan dib u milicsano khibradaha dalka soo maray iyo duruufaha maanta jira, waxaa naga lahaa inaan isweydiinno: Ma jiri kartaa Soomaaliya nabad ku wada nool haddii midnimadii dagaalku ayasan jirin?
Aynu wadajir uga jawaabno, sababtoo ah fursadaha aynu maanta heysanno ma ahan kuwo mar walba soo noqnoqan doona.
Qore: Farax Maxamuud Xirane
Lataliye Arrimaha Nabadda & Amniga
E-mail: [email protected]
Bogga gaarka ah: frhlamaane.wixsite.com/website/post/
Edited By Ali Musa
Axadle Times international–Monitoring.