Cabdiraxmaan Cirro oo xaqiijiyay in laga helay Covid-19! –

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Gobaladda Waqooyi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook ku sheegay in maanta laga helay xannuunka Coronavirus.

Cirro ayaa tilmaamay in uu galayo karaantiilka muddada xannuunka uu jirka qofka laga helo ku jirayo, inkasta oo uusan soo bandhigin haddii uu dareemayo xannuun iyo sababta keentay in laga baaro cudurka laga helay.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa tilmaamay in muddada 7-da cishe ah ee uu galayo karaankiilka (Dad ka fogaanta) in uu daryeelayo isla markaana uu la soconayo Xaaladdiisa Caafimaad.

Sida dhaqaatiirta caafimaadka ku taliyeen, marka qof laga helo xannuunka waxaa la baaraa dadkii ugu dambeeyay ee uu la kulmay, si jirkooda looga baaro cudurka oo ay suuragal tahay in ay qaadeen (uu ku dhacay).

Deegaannada Gobaladda Waqooyi waxaa ka diiwaangashay kiisas kala duwan, inkasta oo la qaaday dhammaan Xayiraadii bilooyin kahor lagu soo rogay ee la sheegay in looga fogaanayo faafitaanka xanuunka Covid-19.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More