Mareykanka oo ogolaaday daawo Hay’adda WHO ay sheegtay in ay

Waaxda Daawooyinka u qaabilsan Mareykanka ayaa shaacisay in ay ogolaatay daawada loo yaqaan Veklury oo lagu dabiibi karo xannuunka Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay guud ahaan caalamka.

Daawadaan waxaa diidan awoodeeda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, maadaama ay ku doodeyso in baaris lagu sameeyay lagu ogaaday in ay yartahay awoodda difaac ee xannuunka Coronavirus ay qofka siineyso dadka.

Maamulka Cuntada & Daawooyinka Mareykanka FDA (Food and Drug Administration) ayaa iska indha-tiray kalsooni darrada Hay’adda WHO, waaxda ayaa amar ku bixisay in lagu tallaalo bukaanada jiifa isbitaallada ee la xannuunsanaya Covid-19.

Hay’adda loosoo gaabiyo FDA ayaa shaacisay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee Daawada in ay awood u leedahay in qofka ay ka celceliso xannuunka muddo shan maalmood ah, isla markaana yareyneysa waqtiga kasoo kabashada bukaanka qaba cudurka.

Jaho wareer dhanka daawada ah ayaa ka dhex-taagan Hay’adda Mareykanka maamusha Cunnooyinka & Daawooyinka ee la socota tayada iyo Waaxda Caafimaadka Qaramada Midoobay Adduunka ee WHO loosoo gaabiyo.

Waddamada reer Yurub ayaa soo bandhigay daawooyin kala duwan, balse waxaa diiday hay’adda WHO kadib baaris ay ku sameysay waxyaabaha ay ka kooban tahay Daawada & qiyaastada ku dul qoran warqadaha la socda.

Buun-buuninta Mareykanka ee Daawada loo adeegsanayo xannuunka Covid-19 waxaa ugu sareeyo Hogaamiye Donald Trump oo dhawaan ka caafimaaday Coronavirus, waxaana la siiyay daawadaan sida ay shaacisay Xukuumadda Washington.

Muranka ka taagan Dawada loo adeegsanayo Covid-19, saameyn intee la eg ayay ku leeyan kartaa wax ka qabashada xannuunka?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More