Guusha Axmed waxay ka soo ifbaxday guri yar oo ay ka buuxaan saboolnimo, samir iyo rajo. Hooyo Safiya, sida ay sheegtay, ma hayso shaqo joogto ah; nolosha carruurteeda waxay ku maareysaa shaqooyin marmar ah, kaalmo ay ka hesho ehel iyo asxaab, adkaysi iyo iimaanka Alle. Halgankaas adag ayay ka soo dhaxashay farxadda ah in wiilkeedu kaalinta koowaad ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare.
Warka guushu Safiya uguma fadhiyin darajada koowaad oo keliya. Waxa uu ahaa rajo ay sannado badan sugaysay—rajada ah in aqoonta iyo dadaalka Axmed u furi doonaan albaab cusub, isaga, hooyadii iyo qoyskoodana ka saari doona dhibaatada saboolnimada.
- Advertisement -
Kamaradaha iyo muuqaalka masuuliyiinta uma aysan baran, mana aysan aqoonsan qofka uu yahay Xamse Cabdi Barre, sababtoo ah kuma noola dunida awoodda, magacyada waaweyn iyo nolol maalmeedka raaxada. Dunideedu waa shaqo raadis, quudinta carruurta iyo la tacaalidda baahiyaha maalin kasta.
Sidaas oo ay tahay, Safiya waxay kaga nasiib badan tahay kumannaan qoys oo ay saboolnimadu ka dhaxayso, balse dhulkoodii laga barakiciyey, guryahoodii la dumiyey, carruurtoodiina laga hor istaagay waxbarashada, halka noloshoodana la burburiyey.
Waxaa i soo gaaray in xaafadda Tokyo, halka ay Safiya ku nooshahay, Noolo-oostadeedii la bixiyey, iyadoo keliya la sugayo fulinta barakicinta. Haddii arrintaasi dhacdo, waxaa suuragal ah in halkaas lagu burburiyo hoygii Safiya iyo riyadii ka dhalatay dadaalka wiilkeeda Axmed.
Haddii ay taas ka badbaadaan, Axmed oo kaalinta koowaad ku gaaray saboolnimo, dadaal iyo naf-hurnimada hooyadii ayaa weli berri wajihi doona dawlad ay hoggaankeedu eexda ka hormariyaan kartida, qaraabo-kiilkana aqoonta ka mudneeyaan, halka musuqmaasuqu uga fudud yahay dadaalka iyo tacabka.
Hooyo Safiya waajibkeedii way gudatay.
Axmedna kaalintiisii si buuxda ayuu uga soo dhalaalay. Waxaase weli maqan dawlad tixgelisa aqoonta, abaalmarisa dadaalka, mudnaantana siisa kartida.
Xaq ma aha in la dumiyo halgankii Hooyo Safiya iyo dadaalkii Axmed, dabadeedna ay mustaqbalka kala kulmaan cashar ka xanuun badan wixii ay nolosha saboolnimada ku soo arkeen.
Waxba tari mayso in Hooyo Safiya la telefooniyo ama lala sawirto, iyadoo dhinaca kale la burburinayo hoygii ay ku noolayd iyo riyadii ay la noolayd.
Waxay la mid tahay in ubax la ammaanayo xilli xididdadiisa la rujinayo. Safiya waxay wiilkeeda siisay riyo; dawladdana waxaa saaran waajibka ah inay u abuurto mustaqbal.