Jude Bellingham Oo Jabiyay Rikoodh Ay Dhigeen Cristiano Ronaldo Iyo Michael Owen.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham ayaa dhaafay Rikoodh ay dhigeen Cristiano Ronaldo iyo Michael Owen kadib guushii 1/0 ahayd ee ay kaga badiyeen Serbia.

Bellingham ayaa soo galay tartanka isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday Real Madrid-na kula guulaystay La Liga, Champions League iyo Spanish Super Cup.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay goolka kaliya ee uu xulka England ku badiyay kuna gaadhay guushiisii ugu horaysay ee tartanka euro 2024.

Isagoo jira 20 sano iyo 353 maalmood, Bellingham wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ka ciyaara seddex tartan oo caalami ah, isagoo dhaafay rikoorkii hore ee weeraryahankii hore ee England Owen (22 sano iyo 170 maalmood).

Xiddiga reer England ayaa sidoo kale ka sara maray weeraryahanka Portugal Ronaldo kaas oo sidaas oo kale gaaray isaga oo jira 23 sano iyo 123 maalmood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More