Xukumadda Soomaaliya oo beenisay inay wada hadalo la galayso kooxda Alshabaab

 
Sabti, Juun, 29, 2024 (AX) – Xukumadda Soomaaliya ayaa beenisay inay wada hadalo la galayso kooxda Al-Shabaab.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen macallin Maxamuud ayaa boggiisa X (Twitter) ku shaaciyay in hadda aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhaxeeya Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Xuseen Macallin waxa uu caddeeyay in wada-hadal kasta oo suuragal ah uu u baahan yahay Al-shabaab inay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo uu Hogaamiyaha ku xira, oo ay kamid yihiin, in ay jaraan xiriirka ururada argagixisada caalamiga ah, ixtiraamka madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo in ay si nabad ah u wataan qorshahooda siyaasadeed.
“Wada xaajoodka la sheegay in lala galo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab waa in aanu noqon go’aan qarsoodi ah oo uu shaqsi gaarey. Waa in lagu wajaho wadatashi qaran oo dhameystiran, si hufanna looga wada qeyb galo muwaadiniinta matalaysa,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hogaamiye Xasan Sheekh oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Norway ayaa sheegay in dowladdiisa ay u furan tahay inay wadahadal la gasho Al-shabaab, haddii ay kooxdu doonayso inay buuxiso shuruudaha lagu xiray.
Waxa kale oo madaxweynuhu uu xusay in cid kasta oo awood u leh fududaynta wada hadalka Alshabaab ay soo dhawaynayaan.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrimahan. Kooxdan ayaa marar badan oo hore sheegtay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More