Waqooyi Bari iyo dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay shakabad tahriibisa dhallinyarada

 
Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) – Askarta Booliiska dowlad goboleedka Waqooyi Bari iyo Askarta Booliska Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa iska kaashaday gacanta ku dhigidda shakabad ka shaqeysa tahriibinta dhallinyarada.
Shakabadan ayaa la qabtay iyagoo waday koox dhallinyaro ah oo laga tahriibiyay deegaanada Waqooyi Bari, loona waday in Magafe loo gacan galiyo, kuwaas oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
War saxaafadeed kasoo baxay Booliiska Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in hay’adda danbi-baarista CID ee gobolka Nugaal ay waddo how-galo lagu baadi goobayo shabakado ka shaqeeya tahriibinta dhallinyarada oo ku sugan magaalooyinka Waqooyi Bari.
Qabashada shakabadan ayaa kusoo beegantay, iyadoo deegaanada Waqooyi Bari laga dareemayo tahriibka dhallinyarada ka yar da’da 20-ka sano. Lama hubo sababaha ka dambeeya, hase ahaatee shaqo la’aanta dhallinyarada ayaa loo aanaynayaa inay qeyb ka tahay in dhallinyarada ay fursado nolol u raadsadaan qurbaha.
Dhawaan, ku dhawaad 50 muhaajiriin ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku geeriyooday xeebaha Yemen, kaddib markii ay la degtay doon ay la socdeen.
Waa kuwaan magacyada shabakada la qabtay
1, Maxamed Maxamuud Muuse
2, Yuusuf Cabdi Ciise
3, Raxma Jaamac Maxamed
4 Caasha Maxamed Maxamuud
5, Saamiya Yaasiin Maxamuud
6: Cabdi Risaaq Geelle Maxamed
7: Farxaan Maxamed Barre
8: Ladaned Cali Cabdullaahi


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More