Chelsea Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Alexander Isak.

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay Newcastle United u soo bandhigto weeraryahankeeda Nicolas Jackson si ay qayb uga noqoto dadaallada cusub ee ay ku doonayso saxiixa Alexander Isak.

Blues ayaa baadigoob xoogan u gashay xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden iyagoo doonaya inay xagaagan keenaan weeraryahan.

Warar soo baxayay todobaadkan ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea isku diyaarinayso in ay jabiso rikoorka suuqa kala iibsiga ee kooxdeeda isla markaana ay bixiso lacag ka badan 115 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Isak.

Newcastle ayaa si aad ah u doonaysa in ay sii haysato xiddiga oo ay u aragto mid muhiim u ah kooxda.

Sida laga soo xigtay wargayska The Guardian Chelsea ayaa diyaar u ah in ay Jackson ku darto heshiiska ay ku doonayso xiddia Isak.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More