Mareykanka oo shaaciyay in Shirkadaha dalkiisa daneynayaan iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya

 
Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta  kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya labada dowladood.
Raysal wasaare Xamse iyo Danjire Richard ayaa ka wada hadlay danaha labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Raysal wasaaraha ayaa ugu horeyn Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uga warbixiyay xaalada guud ee siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, iyo horumarada laga sameeyay mudadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.
“Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse.
Wuxuu sidoo kale Raysal wasaare Xamse la wadaagay Danjiraha dowladda Mareykanka  Richard H. Riley in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in la qaato taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed, isagoona cadeeyay in marnaba aqbali doonin Soomaaliya heshiiskii sharci darada ahaa ee Itoobiya la gashay Gobaladda Waqooyi.
Safiirka Mareynkanka u jooga Soomaaliya ayaa dhankiisa bogaadiyay guulaha isdaba jooga ah ee dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoona ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.
Ugu dambeyntii Danjire Richard H. Riley ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkadaha Mareykanka ay si weyn u daneynayaan iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More