Browsing Tag

bulshada

Shir Muqdisho uga furmay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (AX) - Waxaa maanta shir uga furmay magaalada Muqdisho Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, Guddiyadda heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee Shaqaalaha Rayidka.Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa dib- u- habeynta Maamulka Shaqaalaha Xukumadda iyo horumarinta Maamulka Shaqada iyo shaqaalaha Xukumadda labadeeda heer. Waxaa sidoo kale lagu gorfeyn doono horumarinta sharuucda iyo casriyeynta siyaasadda jaangoynta darajooyinka…

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo beenisay war lagu faafiyay baraha bulshada

 Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (AX) - Dawladda Maraykanka ayaa meesha ka saartay warar sheegaya in ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu bogaadiyay heshiiska muranka dhaliyay ee u dhexeeya Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya, kaddib socdaal uu dhawaan ku tagay magaalada  Addis Ababa."Wararka ku saabsan hadal la sheegay in uu ka soo yeeray ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ee ku saabsan heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Ethiopia waa been," safaaradda Mareykanka ee…

Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo ururka Bulshada Bariga Afrika oo ka socda Nairobi

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay shir lagu horumarinayo is dhexgalka Soomaaliya iyo  bulshada ururka EAC.Xoghayaha guud ee EAC Veronica Muini Ndui Nduiva, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay EAC bishii Maarso, ka dib markii ay si rasmi ah usoo gudbisay heshiiskeeda ku biirista ururka.Galitaanka Soomaaliya ee EAC ayaa la sheegay inuu u sahlayo Soomaaliya inuu ka faa'iideysto mashaariicda kaabayaasha gobolka ee EAC, sida wadooyinka…

Hogaamiyaha Soomaaliya oo fariin xasaasi ah u diray dadka baraha bulshada ku dhex faafiya wararka been abuurka ah

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabada maalinta Ciida Carafo ayaa fariin muhiim ah u diray dadka baraha bulshada ku dhex faafiya wararka been abuurka iyo aflagaadada.Hogaamiyaha ayaa sheegay in dadkaasi ujeedooyinka ugu waa weyn ee beenta iyo aflagaadada ugu dhex faafinayaan baraha Internetka iney tahay sidii ay dhaqaale uga heli lahayeen, wuxuuna xusay Hogaamiyaha inuu dadkaas ugu duceynayo in ilaahey meel kale ka siiyo irsaaqad xalaal ah .“Beenta kuwa sheega ee dadka…

Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole oo lagu dilay Muqdisho

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole ee duuleedka Muqdisho Mukhtaar Nuur Geesey.Allah u naxariiste dilka marxumka ayaa waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysnaa oo ku dilay meel aanan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.Dableyda fulisay dilka Mukhtaar Nuur ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana meydka marxuumka la geeyay xarunta C.I.D, halkaas…

Taliska Booliiska Soomaaliya oo ku hanjabay in la soo xiri doono qof walba oo ka caytama baraha bulshada

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay talaabooyin dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka kusoo xirxireen qaar ka mid ah shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada oo aflagaado iyo kicin dadweyne ka dhex waday baraha Internetka. Taliye Sulub ayaa sheegay in marnaba la ogolaan doonin in baraha bulshada laga dhex caytamo, qof walbo oo ka caytantana lasoo xiri doono lana horkeeni doono sharciga, isagoona xusay in shaqada Booliiska ay tahay ilaalinta sharciga iyo…

DFS waxay hub ka dhigis ku samaysay bulshada caalamka

Axada oo ku beegan tahay 27-ka Diseembar 2020 kulan ka dhacay looga hadlayo lacagta looga hadlayo xulashada taxanaha ah ee 20/21 sida uu sheegay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C / raxmaan Ducaale Beyle. Kharashka ku baxaya doorashada ayaa lagu qiyaasay 40 milyan oo doolar oo ay dowladu bixinayso, iyadoo kaliya lagu bixinayo 4 milyan oo doolar, halka beesha caalamka looga baahan yahay inay soo dhameystirto. Dowladda ayaa dejisay qorshe siyaasadeed oo dhaqaale loogu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More