Lewandowski Oo Magacaabay 3 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024.

Weeraryahanka xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski ayaa magacaabay xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2024.

Xulka Poland ayaa ka hadhay tartanka Euro kadib markii ay kaga hadheen tartanka wareega Group-yada.

Kadib markii xulkiisu ka hadhay tartanka Lewandowski ayaa sheegay 3 xul oo ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka.

Lewandowski oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Spain waxa ay furdas fiican u haysataa in ay ku guulaysato tartanka Euro 2024″.

“Sidoo kale waxa jira xulalka France Iyo Germany kuwaas oo sidoo kale haysta fursad fiican oo ay ugu guulaysan karaan tartanka”.

Xulalka uu Lewandowski magacaabay ayaa dhamaantood u wada gudbay wareega 16-ka ee tartanka Euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More