Faysal Cali Waraabe: Waxa lagu tashaday in laynaga soo weeraro Jabuuti iyo Laascaanood

 
Sabti,  Juun, 29, 2024 (AX) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jabuuti iyo dowlada Soomaaliya ay maleegayaan qorshe lagu waxyeelaynayo Gobaladda Waqooyi.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in markale la daadiyo dhiiga shacabka Gobaladda Waqooyi, isla markaana la burburiyo nabadooda.
“Waxa lagu tashaday in dalkeena laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Gobaladda Waqooyi la burburiyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayuu ku eedeeyay in uu maleegayo qorshe Gobaladda Waqooyi lagu waxyeelaynayo, si aan Gobaladda Waqooyi loo aqoonsanin.
Dhinaca kale, madaxda Gobaladda Waqooyi ayuu ku tilmaamay qaar aan war badan ka hayn waxa dhacaya, isaga oo ku baaqay in shacabka Gobaladda Waqooyi ay u diyaar garoobaan isdifaacooda.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More