Maraykanka oo digniin u diray muwaadiniintiisa ku sugan magaalada Muqdisho

 
 
Axad, May, 26, 2024 (AX) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin amni, iyadoo kula talisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Muqdisho inay muujiyaan taxadar dheeraad ah toddobaadka soo socda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa loogu sheegay muwaadiniinta Mareykanka, in weerarrada argagixisadu ay u dhici karaan si lama filaan ah.
Mareykanka ma uusan cadeyn halka ay qatarta ka imaaneyso, balse meelaha uu muwaadiniintiisa uga digay waxaa kamid ah, garoomada diyaaradaha, xarumaha dowladda, iyo hoteellada.
Bil ka hor ayay ahayd markii dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho la xaddiday, sababa la xiriira, Maraykanka oo helay xogo amni oo ku saabsanaa weerarro Shabaabku qorshaynayeen inay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Mareykanka waxa uu sheegay in ay si aad ah u xaddidan tahay adeegyada degdegga ah ee muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya sababtoo ah la’aanta joogitaan qunsuliyadeed oo joogto ah Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More