Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

 
Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (AX) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal sifeyn ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Nuur gare ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana tiro intaas ka badan lagu dhaawacay.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha hore  dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xubnaha Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay ay ku dhuumaaleysanayeen deegaankaas.
Howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalintii sadaxaad madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu u tagay madaxweynaha dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xoogga dalka ay gacanta Al-shabaab ka soo furteen ku dhowaad 20 gaari oo kooxdu ka rabtay iney ka qaadato lacago madax furasho ah.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More