Jusufspahić: Weerarka lagu qaadey Askariga waa fal argagixisanimo, Qofka mu’minka ah ma noqon karo argagixiso

BELGRADE – Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaaliyadda Islaamka ee Serbia Muhamed Jusufspahić ayaa maanta sheegay in weerarkii argagixiso ee lagu dilay xubin ka tirsan Askari ka tiirsan Ciidanka Gendarmeriga ee Serbia oo ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Israa’iil ee Belgrade uu ka dambeeyay Miloš Žujović (25 jir ah), kaasoo ” sheegtay in uu ahaa Muslim” haddaba qofka mu’minka ah ma noqon karo argagixiso.

“Wixii uu sameeyay Miloš Žujović, oo ah nin doorbiday Islaamka oo isku magacaabay Salaaxudinkaas oo shaaciyey in uu yahay Muslim, waa argagixisanimo saafi ah oo aan geed lagu soo gaban karin waxaa uu sameyey, waa fal ka baxsan Islaamka,” ayuu Jusufspahić u sheegay jariiradda Tanjug ee dalka Serbia.

Waxa uu tilmaamay in Žujović uusan waligiis xubin ka ahayn kana mid noqon Jaaliyadda Islaamka ee Serbia, balse sida ay sheegayaan warar aan rasmi ahayn, waxa uu booqday xarumo ka baxsan gacanta IZS, oo ay maamulaan shaqsiyaad gaar ah oo aan sidoo kale ka tirsaneyn IZS.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle International Monitoring – World

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More