Hogaamiyaha Hirshabeelle oo maanta wareejiyay dhul laga dhisayo xarunta ciidanka Danab

 
Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) – Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Taliska qeybta 5-aad ee ciidanka Midowga Aftrika ee ATMIS ku leeyhiin magaalada Jowhar.
Madexweyne Guudlaawe ayaa halkaas kulan kula qaatay wakiilo ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo wada qorshe ay magalaada Jowhar uga hirgalineyso xarun gaar ah oo ay leeyhiin ciidanka Mareykanka sida gaarka ah uu u tababaraan ee Danab.
Kulanka kadib madaxweynaha Hirshabeelle ayaa wakiilada ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku wareejiyay dhulkii laga dhisi lahaa xarunta ciidanka Kumaandooska Danab ee magaalada Jowhar.
“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.” ayuu yiri Hogaamiye Guudlaawe.
Dhulkaan uu maanta ku wareejiyay madaxweynaha Hirshabeelle wakiilada ka socday Safaaradda Mareykanka ayaa qeyb ka noqonaya 5 xarumood oo ay dowladda Mareykanka ka hirgalineyso magaalooyin ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Gabagabadii Hogaamiyaha Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu u diyaar garoobayo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab oo la filayo inuu dhawaan ka bilawdo guud ahaan dalka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More