Jadon Sancho Oo Hal Shardi Ku Xidhay Si Uu Ugu Soo Laabato Man United

Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay suurtogalnimada inuu ku laabto Manchester United xilli ciyaareedka soo socda isagoo shuruud ku xiray in Erik ten Hag uusan sii joogin kooxda.

Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatooday man United intii uu joogay Kadib markii uu lacag Rikoodh ah kaga Soo biiray kooxda Dortmund sanadkii 2021.

Sancho ayaa amaah uga tagay kooxda Man United suuqii January Kadib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda ee Erik Ten Hag waxana uu wacdaro ka dhigay Dortmund qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Sancho ayaan haatan la hubin Mustaqbalkiisa waxan lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Laakiin Sancho ayaa diyaar u ah in uu ku Soo laabato kooxda Man United.

Laakiin xiddiga reer England ayaa Hal shardi ku xidhay ku Soo laabashadiisa.

Sancho ayaa u sheegay maamulka Manchester United in uu ku Soo laabanayo kooxda laakiin waa in ay shaqada ka caydhiyaan Erik Ten Hag.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More