Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 
Axad, Juun, 30, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa amaanka.
Qaraxaan miino oo ahaa nooca wadada dhinaceeda la dhigo ayaa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada Boliisa Militaare, waxaana la xaqijjiyay in qaraxaasi uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidanka oo magaciisa lagu sheegay Abshir shaafici.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo qaraxa kadib goobta gaaray ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo ay ku baadi gobayaan dadka lagu tuhmayo iney ka dambeeyaan qaraxaan la dhigay wado ku taala Waaxda koowaad ee degmada Kaxda, hayeeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen qaraxa.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Kaxda iyo hay’adaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan qaraxaan miino oo uu ku dhaawacmay sarkaalka ka tirsanaa ciidamada amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada noocaan oo kale ah fuliya kooxda Al-shabaab.
Qaraxaan maanta ka dhacay degmada Kaxda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya  mudooyinkii dambe ka caaganeyd qaraxyada noocaan oo kale ah ee sababa dhimashada iyo dhaawaca.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More