Rio Ferdinand Oo Sharaxay Sababta Uu Xulka England Fursad Fiican Ugu Haysto In Uu Gaadho Final-ka Euro 2024.

Daaficii hore ee England Rio Ferdinand ayaa aaminsan in saddexda libaax ay haystaan ​​‘fursadda ugu fiican ee ay ku aadi karaan Final-ka Euro 2024.

Xulka England ayaa ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee Group-kooda waxana ay la ciyaari doonaan xulka Slovakia kulanka wareega 16-ka Euro 2024.

Xulka England ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga euro 2024 Ferdinand ayaana aaminsan in uu xulka Enland aadhi karo Final-ka Euro 2024.

Hadhitaankii Italy ayaa la macno a in uu Xulka England la ciyaari doono xulka Switzerland hadii ay ka badiyaan Slovakia kulanka caawa.

“Waa inaan idhaahdaa, haddii aan hadda ku jiro xulka England, oo uu isku aadka u soo baxay sidaan oo kale, farxad darteed lama seexdeen”ayuu yidhi.

“Waan ixtiraamayaa xulalka kale laakiin marka aad eegto xulalka dhinaca England ah iyo xulalka dhinaca kale ah waa kala duwan yihiin”.

“Waxaan helnay fursad – fursada ugu fiican – inaan gaarno finalka”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More